Qaxooti xerooyinka ku dhimanaya

Antonio Guterres Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Madaxa Hay'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, Guterres

Dad gaaraya 10 qof ayaa la sheegay inay maalin walba ku dhimanayaan xerada ugu cusub qaxootiga Soomaalida ee dalka Itoobiya u cararaya si ay uga baxsadaan abaarta iyo colaadda dalkooda ka taagan.

Xeradan oo qaadi karta 20 kun oo qof waxay ku dhowdahay inay buuxsanto inkastoo la furay saddex toddobaad uun kahor.

Ilaa labo kun oo qof oo qaxooti Soomaali ah ayaa maalin kasta u tallaaba dalka Itoobiya, waxayna halkaas gaaraan iyagoo aad ugu nugul jirrooyinka iyo xanuunnada kala duwan.

Carruurta iyo haweenka ayaa u badan dadka dhimanaya.

Dhinaca kale, madaxa UNHCR, Antonio Guterres, oo maanta tegay dhadhaab ayaa ka dayriyey xaaladda xeryaha qaxootiga, waxaana uu mar kale codsi u jeediyey beesha caalamka inay u gargaarto kumanaanka qaxootiga cusub ee Soomaaliya kaga soo qaxaya abaarta iyo colaadda.

Antonio Guterres wuxuu shalay joogay xeryaha qaxootiga ee Doolow ee dhanka Ethiopia oo wararku shegayaan in maalintii ay ku dhintaan ila 10 qof.