Xero la doonayo in laga furo Kenya

Xerada Dhadhaab ee Kenya Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Xerada Dhadhaab ee Kenya

Madaxa Hayadda Qaramada Midoobay ee qaxootiga Antonio Guterres ayaa ku cadaadinaya dowladda Kenya inay furto xero cusub oo dadka Soomaalida ee ka soo cararaya abaarta iyo dagaalka ay degaan.

Dowladda Kenya ayaa diiday in la furo xero ay Qaramada Midoobay dhistay oo qaada ilaa afartan kun oo qof, iyadoo Dowladda Kenya ay ka baqayso in qaxootiga ay waligood joogaan waddanka.

Xerada cusub ayaa u dhow xerada Dhadhaab oo dadka aad uga bateen ka dib markii ay imaadeen kumanyaal qof oo ka soo cararay abaarta maalin walba.

Xerada Dhadhaab ayaa waxaa ku jira ilaa saddex boqol oo kun oo Soomaali.