Karzai walaalkii oo la dilay

Ahmed Wali Karzai iyo walaalkii Madaxweyne Karzai Lahaanshaha sawirka AP

Madaxweynaha Afghanistan, Hamid Karzai, walaalkiis ayaa lagu dilay magaalada Kandahar.

Ahmed Wali karzai, waxaa dilay madaxa ilaaladiisha shakhsiga ah oo muddo la soo shaqeynayay.

Shir saxaafadeed oo lagu qabtay kabul, ayaa Madaxweyna Karzai, waxaa uu sheegay in qoys kasta oo Afghanistan ah ay sidaasoo kale ku dhacday.

Taliban ayaa sheegatay in ay iyadu dilka geysatay, waxayna ku tilmaantay in uu yahay mid ka mid ah guulihii ugu weynaa oo 10 sano oo dagaal socday.

Ahmeali Karzai wuxuu ahaa siyaasi awood badan, oo maamula Golaha Kandahar.

Waxaana lagu eedeyn jiray in uu ku lug leeyahay ka ganacsiga mukhaadaraadka iyo musuq maasuq. Eedeymahaas isagu hore ayuu u beeniyay.