Gargaarka Qaramada Midoobay ee Somalia

Somalia Aid Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Gargaarka Abaaraha Soomaaliya

Qaramada Midoobay ayaa tafaasiil dheeraad ah ka bixinaysa qaabka hay'adaha gargaarku ay haatan u caawinayaan dadka Soomaalida oo ay soo wajahday abaar aad u daran iyo malaayiin dad ah oo kale oo gobolkaas ka tirsan.

Mark Bowden, oo ah xiriiriyaha gobolka, waxaa uu BBC-da u sheegay in 200 oo kun oo qof oo ku sugan caasimadda Muqdisho ay cunto gargaar ah helaan, kooxda islaamiga ah ee al Shabaab, waxay toddobaadkii la soo dhaafay qaadday xayiraad ay hore ugu soo rogtay hay'adaha gargaarka ee waddanka Soomaaliya ka hawl gelayay.

Deegaanka Dollo Ado oo ku yaalla xadka Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaa uu sheegay inay cunto dheeraad ah siiyeen dad muddo toddobaadyo ah soo lugaynayay si markaasi ay ugu sii gudbiyaan qoysaskoodii ay ka yimaaddeen.