Roob saacado badan da'ayay oo caruur ay u dhimatay saamayntiisa

Lahaanshaha sawirka Reuters

Ilaa 5 caruur ah ayaa ku dhintay xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Caruurtan ayaa u dhintay qabow iyo dhaxan ka dhalatay roobabka joogtada u dayay in ka badan 48 saacadood.

Dhimashada caruurtan waxaa BBC u xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah hay'adaha ka howlgalaya xeryaha barakacayaasha.

Weriyaha BBC Maxamed Ibraahim Macalimuu uu tagay mid ka mid ah xeryaha dadku ku jiraan oo ku taalla xaafadda Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho.

Weriyaha ayaa aad uga dayriyay xaaladda uu ku soo arkay xerada, isagoo sheegay in roobku uu dhibaato xoog leh ku hayo dadka oo intooda badan aan haysan goobka si hagaagsan uga celin karta. Qaar ka mid ah barakacayaasha ayaa u sheegay in ay ku qasbanaadeen in saacado badan ay musqul ka galaan roobka xoogga leh ee maalmihii ugu dambeeyay ka da'ayay magaalada.