Madaxwaynaha Djibouti oo ka hadlay abaaraha Geeska Africa

Ismaaciil Cumar Geelle Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Madaxwaynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle

Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in aan Djibouti waxba kala hari doonin wax kasta oo ay u qaban karto dadka Soomaaliyeed oo ay dhibaatada abaartu ku habsatay.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abaarta Geeska Afrika oo Djibouti nafteeda saameysay, ayuu Madaxweynuhu ku tilmaamay mid aad mooddo in ay si gooniya u doonatay dhammaan dhulalka Soomaalida ee Geeska Afrika.

Madaxweynaha oo ka jawaabayay su'aal ay BBC ka weydiisay waxa uu dadka Soomaaliyeed u qaban doono ayaa sheegay in intii karaankeeda DJibouti ay ka qaybqaadan doonto taakulaynta dadka Soomaaliyeed ee abaartu aafaysay.