Abaarta Soomaaliya oo ah mid dheer

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in abaar dheeraatay ay ka jirto qaybo ka tirsan Somaaliya iyadoo malaayiin qof ay saamaysay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in kastoo caawinaad ay socoto, xog cusub ayaa sheegaysa in abaarta, dagaalada iyo saboolnimada labada gobol ee Bakool iyo shabeelada hoose ay keentay in si rasmi ah loogu dhawaaqo abaar dheeraatay.

Xaalada dalka ayaa waxaa ka mid ah in in ka badan sodon boqolkiiba inay yihiin nafaqo daro, iyo in afartii caruur oo ka mid ah toban kun oo caruur inay dhimanayaan maalin walba.

Meelaha ugu daran ayaa ah meelaha ay maamulaan Al Shabaab. Dhowaan ayay Al Shabaab ka qaaday xayiraada hayadaha gargaarka, laakiin in gargaar la gaarsiiyo dadka meelaha ay Al Shabaab ka taliso ayaa wali dhib ah.