Maraykanka oo bilaabaya gargaar

Dadka abaarta ay saamaysay Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dadka abaarta ay saamaysay

Masuuliyiinta gargaarka ee Maraykanka ayaa sheegay inay ogolaanayaan in gargaar ay diraaan meelaha ay ka taliyaan Al Shabaab, hadii aan gargaarka ay bixiyaan aysan Alshabaab faaiido ka samynayn.

Masuuliyiinat gargaarka ayaa sheegay, in hayadda Maraykanka ee gargaarka USAID ay Qaramada midoobay uga baahan yihiin hubaal in gargaarka uu Maraykanka bixiyo aysan canshuur ka qaadayn Alshabaab oo maamusha gobolada ay abaarta ka jirto.

Bishii April ee sanadkii hore ayaa madaxweyne Obama uu bixiyay amar in Al Shabaab ay yihiin argagixiyo, taasoo keentay in gargaarka Maraykanka ee Somaliya uu yaraaday boqolkiiba siddeetan.

Masuul ka tirsan wasaarada arrimaha dibada ee Maraykanka Dr Reuben Brigety ayaa BBC u sheegay in Alshabaab ay masuul ka tahay dhibaatada xun ee gobolka ka jirta iyadoo gobolka ay ka cayrisay hayadihii gargaarka, canshuurna waydiisatay markii ay joogeen.