Al-shabaab oo sheegtay in hay'adihii la mamnuucay aan wali la fasixin

Lahaanshaha sawirka AP

Kooxda al-Shabaab ayaa sheegtay in aysan xayiraadda ka qaadin hay'adaha ay horay uga mamnuuceen goobaha ay gacanta ku hayaan.

Afhayeenka Xarakada al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay in Qaramada midoobay ay buunbuuninayso baaxadda abaarta ka jirta koonfurta Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay macluusha ay ku dhawaaqday si buu yiri ay u siyaasadayso xaaladda.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dagaalada iyo saboolnimada ka jirta Soomaaliya ay isbiirsadeen ayna ka dhalatay xaalad lagama maarmaan u ah in lagu dhawaaqo macluul.