91 qof ayaa ku dhintay dalka Norway

Oslo blast
Image caption Qaraxa ka dhacay xarunta Norway

Boliiska Norway ayaa dacwad ku oogay nin 32 jir ah oo u dhashay dalka Norway oo loo cuskanayo sharciyada argagixisanimada dalkaas labo weerar oo Jimcihii dhacay ayna ku dhinteen ugu yaraan 91 qof. Ninka la tuhunsan yahay waxay warbaahinta Norway ku magacaabeen Anders Behring Breivik. 84 qof oo u badan dhowr iyo toban jirro waxay ku dhinteen mar nin dabley ah oo lebbiska boliiska xiran uu rasaas ku furay xero dhallinyaro oo kulankooda uu qaban qaabiyay xisbiga labour-ka ee talada dalka Norway haya meel u dhow magaaalda Oslo.

Laba saacadood kahor, weerar bomb oo lagu qaaday degmada dowalddu deggan tahay ee magaalada Oslo waxaa ku dhintay toddoba qof.

Sida uu sheegay qof bixiya alaabooyinka beeraha loo isticmaalo, ninka la tuhunsan yahay waxaa uu sharikaddiisa ka iibsaday lix ton oo bacrimiyeyaal ah horraantii bishii May.