Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wasiir Britain oo Hargeysa booqday

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Wasiirka Britain ee Afrika, Henry Bellingham

Henry Bellingham, wasiirka Britain ee Afrika, iyo wafdigii uu hoggaaminaayay ayaa galabta ka dhoofay Hargeysa kaddib markii ay dhammaysteen socdaal hal maalin ahaa oo ay ku tageen Somaliland.

Wasiirku wuxuu wada hadallo la yeeshay madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo, kaddibna waxaa uu khudbad ka jeediyay baarllamaanka. War-saxaafadeed laga soo saaray madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweyne Axmed Siilaanyo uu aad ugu faraxsanyahay mucaawinada ay Britain siiso Somaliland oo hadda la kordhiyay iyo guud ahaan xidhiidhka labada dhinac. Wasiirka Britain ee Afrika Henry Bellingham intii aanuu ka dhoofin Hargeysa wuxuu shir jaraa'id ku qabtay hotel Ambassador.

Weriyaha BBC-da, Axmed Saciid Cige, ayaa goob joog ahaa oo warbixintan nooga soo diray :