Bangiga Adduunka oo bixinaya 500 milyan

World Bank
Image caption Sarkaal ka tirsan Bangiga Adduunka, Rogun

yadoo magaalada Rome uu ka furmayo shir-madaxeed abaarta lagaga hadlayo, ayaa Bangiga Adduunka waxaa uu ku dhawaaqay qorsheyaal uu ku bixinayo lacag ka badan 500 milyan oo dollar si wax looga qabto dhibaatooyinka Geeska Afrika.

Lacagtaas waxaa loo isticmaali doonaa mashaariic laga fulinayo dalalka laga soo bilaabo Djibouti ilaa iyo Kenya.

Hay'adda Cuntada ee Qaramada Midoobay, FAO, waxay maanta magaalada Rome ku qabanaysaa shir ku saabsan abaarta oo dad ka badan 11 milyan ka dhigtay inay u baahdaan gargaar degdeg ah. Labo ka mid ah gobollada koofurta Soomaaliya ayaa lagu dhawaaqay inay yihiin goobo macluul ka jirto.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ban Ki-Moon, waxaa uu ugu baaqay waddammada deeqda bixiya inay soo dhiibaan lacag ka badan 1.6 bilyan oo dollar oo kale oo gargaar ah.