WFP oo raashin geysay Muqdisho

Dadka ka soo qaxaya abaaraha gobolada
Image caption Dadka ka soo qaxaya abaaraha gobolada

Waxaa billowday gargaarka raashinka ee dayaaradaha lagu geynayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP), oo sidda toban tan oo cunta nafaqa leh oo laga keenay Kenya ayaa maanta la geeyay Muqdisho.

Waxaa loogu tala galay carruurta ay nafaqa darradu hayso.

Abaarta Geeska Afrika, 11 milyan oo ruux ayay ka dhigtay kuwo u baahan raashin gargaar ah.

Kumanyaal ruux oo gaajo hayso ayaa u qaxay Muqdisho, kuwaas oo WFP ay sheegtay in ay waqti dheer qaadaneyso in badda lagu keeno raashin.