dhowr iyo toban ku dhintay Muqdisho

Dagaal culus ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho kadib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ku meelgaarka ah ay weerar ku qaadeen goobo ay fariisimo ku leeyihiin mucaaradka Islaamiyiinta ah ee al-Shabaab.

Waxaa dagaalkan uu ku soo beegmayaa iyadoo shalay ay diyaaradii ugu horaysay ee sidda sahay samafal ah ay gaartay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa bilowday aroortii hore sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah, ayaa goobaha uu ka dhacay waxaa ka mid ah Boondheere, Cabdul-casiis, Shibis iyo agagaarka Suuqa Bakaaraha.

Kooxda al-Shabaab, ayaa lagu soo waramayaa in laga qabsaday fariisimo ku yaallay goobo u dhow suuqa Bakaaraha iyo degmo kale oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Si rasmi ah Looma oga qasaaraha nafeed iyo dhaawaca kala gaaray dhinacyada dagaalamay. Hase yeeshee, warar hor dhac ah ayaa sheegay in ugu yaraan toban qof ay dhinteen.

Sidoo kale lama hubo saamaynta uu dagaalkan ku yeelan doono xaaladda dadka barakacayaasha ah iyo waliba duulimaadka gargaarka ay bilaabay shalay in uu gaaro Muqdisho, gaar ahaanna kan WFP oo in muddo ah aan gayn cunto magaalada Muqdisho.