Al Shabaab oo ka hesha lacag dhuxusha

Afhayeenka Al Shabaab  Cali Maxamud Raage
Image caption Afhayeenka Al Shabaab Cali Maxamud Raage

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in geedaha la gubo si dhuxul looga sameeyo inay qayb ka qaadatay abaarta Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Al Shabaab lacagteeda ay ka hesho canshuuro ay ka qaado ganacsatada, gaar haan alaabada laga dhoofinayo iyo kuwa laga soo dajinayo dakadaha ay maamusho.

Matt Bryden oo ah isku duwaha kooxda Qaramada Midoobay ee kormeerta Eritaria iyo Somalia, ayaa BBCda u sheegay in dhuxusha loo dhoofiyo dalalka qaliiijka ay Alshabaab ka hesho sanadkii shan iyo toban milyan.

Wuxuu sheegay in lacagta dhuxusha laga helo ay Al Shabaab siinayso awood dhaqaale oo ay uga maaranto lacagta ay dibadda ka hesho.