QM oo sheegtay inay u baahan tahay lacag dheeraad ah

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Qaramada Midoobay waxay u baahan tahay 1.4 bilyan dollar oo dheeraad ah si ay wax ugu qabato malaayiin qof oo abaartu saameysay

Isu duwaha Arrimaha Bini'aadanimada ee Qaramada Midoobay, Valerie Amos, ayaa ku baaqday in beesha caalamku ay si balaaran uga jawaabto sidii loo joojin lahaa macluusha Geeska Afrika ka jirta inta aanay faraha ka bixin.

Waxa ay sheegtay in Qaramada Midoobay ay si deg deg ah ugu baahan tahay lacag kale oo dhan 1.4 bilyan oo dollar si loogu caawiyo in ka badan 12 milyan oo qof oo u baahan gargaar, kuwaasi oo ku kala nool dalalka Kenya, Soomaaliya, Ethiopia iyo Djibouti.

Valerie Amos waxa ay sheegtay in xog yar laga hayo xaaladda waddanka Eritrea, halkaasi oo hey'adaha samafalka aanay awoodin inay ka hawlgalaan ilaa sanadkii 2005.

Dowladda Eritrea waxa ay sheegtay in aanay ka jirin dalkeeda dhibaato cunto yaraan ah, laakiinw axay sheegtay in caddeyn la isku haleyn karo inay muujineyso in arrintu aanay sidaa ahayn.