Dadka barakacay oo weli gaaraya Muqdisho

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Qaar ka mid ah dadka barakacay

Magaalada Muqdisho waxaa wali socda qulqulka dadka barakacayaasha ah ee halkaas gaaraya, iyagoo ka soo cararaya abaaraha ka jira gobolada Bay, Bakool, Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe iyo Jubbooyinka.

Dadkan ayaa u badan xoolo dhaqato ay xoolihii ay lahaayeen ay abaartu laysay iyo kuwa beeralay ah oo beerihii u bixi waayeen, kaydkiina ka dhamaaday.

Qaar ka mid ah dadkan ma helin cunto ay bixisay hay'ad gargaar ilaa hadda balse waxay muddo laba todobaad ah ku noolaayeen cunto ay dadwaynaha magaalada iska soo uruuriyeen.

Dhinaca kale dowladdaha Carabta ayaa waxay gacan weyn ka geysteen kaalmada loo fidinayo dadka Soomaliyeed ee deegaanadoodii ka barakacay.

Dowlada Qadar ayaa ka mid ah, wadamada kaalmada bixinaya,Cumar Idiris waa safiirka Soomaaliya u jooga Magaaldda Dooxa ee dalka Qadar, ayaa BBC u sheegay in kaalmadii ugu horeysay ee Qadar oo diyaarad lagu sido ay shalay gaartay garoonka Muqdisho.