Midowga Afrika oo dib u dhigay shirka abaarta

Hooyo iyo cunigeeda oo ay abaarta ay saamaysay Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Hooyo iyo cunigeeda oo ay abaarta ay saamaysay

Midowga Afrika ayaa dib u dhigay in ka badan laba toddobaad shir lacag loogu arruurinayay abaarta ka jirta geeska Afrika.

Dadka u ololeeya gargaarka ayaa dhaleeceeyay hogaamiyayaasha Afrika inay ku guuldaraysteen inay caawiyaan dadka geeska Afrika ee ay baarta saamaysay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay, in laba iyo toban milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah.

Midowga Afrika ayaa sheegay in shirka lacagta lagu arruurinayo uu dhacayo bisha August labaatan iyo shanteeda.