5 ayaa ku dhintay boob ka dhacay xero barakacayaal

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Qaar ka mid ah dadka barakacy

Ugu yaraan shan qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay xero dadka barakacay ay ku sugan yihiin ee magaalada Muqdisho, Kadib markii dhac iyo boob lagu bilaabay raashin gargaar oo halkaasi lagu qeybin lahaa.

Rag hubeysan oo baabuurta tiknikada wata ayaa la sheegay inay boobka bilaabeen oo ay kaxaysteen qaar ka mid ah gawaaridii wadan Raashinka oo uu keenay barnaamijka cuntada adduunka ee WFP.

Weriyaha BBC Maxamed Maxamuud Dhoore ayaa ku waramaya inay jirtay cabsi dhinaca ammaanka oo maalmihi ugu danbeysay loo qaybin la'aa raashinkaasi gargaarka.

Xerada ay dhibaatadu ka dhacday ayaa ah midda ugu balaaran ee ay ku sugan yihiin dadka ka soo barakacay abaaraha saameeyay Soomaaliya.