Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shabaab oo u warrantay BBC

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Afhayeenka Xarakada al-Shabaab, Shiikh Cali Maxamuud Raage

Xarakada al-Shabaab, oo maanta waraysi gaar ah siisay BBC laanta Soomaaliga, ayaa faahfaahin ka bixisay xaaladda macluusha ee ka taagan koofurta Soomaaliya iyo xiriirka iyaga iyo hay'adaha gargaarka.

Xarakada al-Shabaab waxay ku dooday in hay'ad kasta oo wax u qabanaysa dadka ay soo dhowaynayaan.

Dhinaca kalese, waxay mar kale ku celiyeen hay'adaha ay mamnuuceen in ay yihiin kuwo wata dano ka duwan samafal.

Hadda ka hor, ayaa danjiraha Soomaaliya u fadhiya Doha, Cumar Idiris, waxaa uu al-Shabaab ku eedeeyay in Dhakhtar uu isagu visa soo siiyay oo u socday samafal ay u diidday in uu u tallaabo Afgooye.

Afhayeenka Xarakada al-Shabaab, Shiikh Cali Maxamuud Raage, oo arrintaa ka jawaabayay wuxuu ku tilmaamay in aanay waxba ka jirin.