Shabaab oo ka baxay Muqdisho

Shabaab Lahaanshaha sawirka reuters
Image caption Sawir hore

Ciidammada Shabaab ayaa ka baxay dhammaanba goobihii ay difaaca uga jireen ee magaalada Muqdisho.

Lama yaqaan sababta ay u baxeen iyo meesha ay aadeen.

Ciidammada Dowladda Soomaaliya ayaa isku fidiyay qaar ka mid ah goobihii ay ka baxeen Shabaab.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Af hayeenka Shabaab, Shiikh Cali Maxamuud Raage, ayaa ku tilmaamay arrintani in ay tahay mid ay ku beddeleen xeeshooda dagaalka, wuxuuna intaa ku daray in Muqdisho uun ay ku kooban tahay tallaabadani.

Laakiin madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed, ayaa u arka in ay Shabaab jabeen.

Wuxuu Madaxweynuhu uga digay shacabku in aanay tegin goobaha Shabaab ka baxay maaddaama laga yaabo in waxyaabaha qarxa ay ku rakibeen.

Dhanka kale, waxaa Madaxweynaha Soomaaliya uu u digay ciidanka iyo cid kasta oo kale in aanay isku dayin in ay bililiqeystaan hantida dadka.