Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

UNHCR oo gargaar gaysay Muqdisho

Lahaanshaha sawirka Other
Image caption Qaxootiga ka soo qaxay abaarta

Hayadda Qaramada Midoobay ee qaxootiga UNHCR ayaa diyaarad ku gayasay gargaar Muqdisho, gargaarka ayaa loogu tala galay dadka abaarta ay saamaysay ee Muqdisho.

Duulimaadkii ugu horeeyay ee ay Muqdisho ku samayso UNHCR ayuu ahaa mudo shan sano.

Diyaarada ayaa waday soddon iyo kow Tan oo bacyaasha roobka, maryaha la huwado iyo alaabta cuntada.

Qaar ka mid ah ciidamada dowladda ayaa toddobaadkii hore weerar ku qaaday xero qaxooti, iyagoo xaday cuntadii gargaarka dhowr qofna ay dhinteen.

Alshabaab ayaa ku dhawaaqday inay ka baxayso Muqdisho, inkastoo wali ay joogaan xaafadaha qaar.

Ilaa lix qof ayaa ku dhintay dagaallo ka dhacay Muqdisho maanta.