Bililiqo ka dhacday London

Niman Dukaan boobaya Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Niman Dukaan boobaya

Ra'iisal Wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa ku tilmaamay in dowladdiisu ay sameyn doonto wax kasta oo lagu soo celinayo xasilloonida London.

Waxay ka dambeysay markii saddex habeen oo isku xiga ay rabshado ka socdeen London, kuwaas oo isugu jiray dhismayaal iyo gaadiid dab la qabadsiiyay, bililiqo (dhac) baahsan iyo weerar lagu qaaday booliiska oo xata saldhig laga gubay.

Waxay rabshadahaasi daba socdaan buuq ka billowday nin dhallinyaro ah oo booliisku ay toogasho ku dileen. Welina la baarayo sida arrintaasi u dhacday.

Ra'iisal Wasaaraha, Hoggaamiyaha mucaaradka, Wasiirka Gudaha iyo Duqa magaalada ayaa intuba si deg deg ah ugu soo laabtay London intay soo gaabiyeen fasax ay ku maqnaayeen.

Wuxuu Ra'iisal Wasaaruhu ku tilmaamay falalka dhacay in ay ahaayeen fal dambiyeedyo aan loo dul qaadan karin, ayna tahay in la is hor taago.

Wuxuu ballaan qaaday in uu 10 kun oo askari oo hor leh soo dhigi doono dariiqdayada.

Rabshaduhu waxay ugu badnaayeen London oo xaafado badan ay saameysay.

Waxaa kale oo rabshado kuwa London la mid ah lana xiriirsan, ay ka dheceen magaalooyin ay ka mid yihiib Birmingham, Bristol, Liverpool, Leeds iyo qaar kale.

Ugu yaraan 500 oo ruux ayaa xabsiga loo taxaabay.