1500 ayaa loo xiray rabshadihii UK

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mid ka mid ah dadka loo xiray rabshaha

In ka badan 1500 qof ayaa loo xioray rabshadihii ka dhacay toddobaadka England.

Qaar badan oo ka mid ah dadka rabshadaha sameeyay ayaa waxa ay heli doonaan xukun ka culus kuwa caadiga ah.

Mid ka mid ah dadkaasi ayaa waxa lagu xukumay lix bilood oo xarig ah, markii uu xaday darsin biyo ah oo u dhigma shan dollar.

Nin la garaacay markii uu isku dayay inuu demiyo dab ay shideen kooxaha rabshada waday magaaladatan London ayaa dhaawacii u dhintay.

Saddex dhalinyaro ah ayaa baabuur lagu dilay iyagana magaalada Birmingham, halka nin kalena lagu toogtay London.

Siyaasiyiinta Britain ayaa booqanaya maanta meelaha ay rabshaduhu aad u saameeyeen.