Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sh. Cali Dheere: Xarakadu isma khilaafsana

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Afhayeenka al-Shabaab, Shiikh Cali Maxamuud Raage

Af hayeenka Xarakada Shabaab, Shiikh Cali Maxamud Raage, ayaa beeniyay in ay Shabaab soo dhex gashay kala qeybsanaan. Maalmahaan ayaa waxaa soo baxayay warar soo xoogeysanaya oo sheegaya in Shabaab ka bixiddeeda goobaha difaaca ee Muqdisho au sabab u yahay khilaaf dhexdooda ah.

Aqoonhayan dhowaan booqday magaalada Baydhabana wuxuu sheegay in saraakiisha Shabaab ee reer Baydhaba ay oggolyihi in hey'adaha gargaarku ay yimaadaan, halka Axmed Godane iyo Calu Maxamuud Raage ay diidan yihiin.

Af hayeenka al Shabaab, Shiikh Cali Maxamuud Raage, oo u warramayay BBC Laanta Soomaaligu wuxuu ku tilmaamay wararkaas oo dhan kuwa aan waxba ka jirin.