Dowladda oo ka digeysa ammaanka

Ku xigeenka taliyaha ciidamada Soomaaliya ayaa amar ku bixiyay in dadka rayidka ah ee magaalada Muqdisho aanay ku laaban guryahooda ku yaalla goobaha ay dhawaan banneeyeen al-Shabaab.

General Cabdikarim Yusuf Dhaga badan ayaa sheegay in sababtu ay tahay in deegaannadaasi inay miineysan yihiin, isla mar ahaantaana aanay ammaan ahayn.

Weriye BBC oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegaya in al-Shabaab ay weli joogaan qeybo ka mid ah caasimadda, isla markaana la maqlayo xabado goos goos ah.

Waxa uu sheegay in dadku ay ku laabanayaan afar degmo oo ay banneeyeen al-Shabaab, iyadoo ay jirto digniinta dowladda.

Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqday horraantii bishan inay isaga baxeen magaalada Muqdisho xeelad dagaal awgeed.