Rabshado ku faafay England

Rabshadaha England Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Rabshadaha England

London xalay wey xasilloonayd. Laakiin magaalooyin kale oo ka tirsan gobollada Ingiriiska ee dalkan Britain ayay rabshaduhu ku faafeen.

Taliyaha Booliiska Manchester ayaa sheegay in ciidankiisu ay xalay la kulmeen rabshado aad u culus.

Magaalada Liverpool iyada waxaa ka dhacday bililiqo iyo holac ku shidid.

Duqa magaalada London, Boris Johnson, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga noqdo go'aankii la doonayay in lagu dhimo booliiska London.

Xalay waxaa waddooyinka London ka hawlgalay 16,000 oo askari oo booliis ah.

Dowlado badan ayaa muwaaddiniintooda uga digay in ay ka feejignaadaan rabshadaha UK.

Waxaa ka mid ah dowladaha Mareykanka, Faransiiska, Jarmalka iyo Spain.

Ra'iisal Wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa hadda wuxuu maanta qabanayaa shir looga tashanayo wixii laga yeeli lahaa goobaha ay rabshaduhu ku faafeen.