Olole tallaal carruur Soomaaliyeed

Vaccination Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Tallaalka carruurta

Olole cudurka jadeecada looga tallaalayo carruurta qaxootiga Soomaaliya ka imanaya ayaa ka bilwoday koonfurta Bari ee dalka Ethiopia, halkaasi oo qaar badan dadku ay ka soo carareen abaarta iyo dagaallada Soomaaliya.

Afatran kun oo tallaalka jadeecada ah ayaa diyaarad loogu qaaday magaalada Doollo Caddo ee u dhow xerada qaxootiga ee Kobe.

Saraakiil ka tirsan hey'adda qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay inay ka shakisan tahay in dilaacista cudurka uu noqdo mid xun, iyada oo badi carruurta ka imanaya Soomaaliya ay yihiin kuwo nafaqo darro ba'an hayso oo ay u badan tahay inay dhintaan.