Valerie Amos oo booqatay Muqdisho

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Raiisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali iyo Valerie Amos Ku xigeenka Xoghayaha guud ee QM

Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee xagga arrimaha bini'aadanimadda Valerie Amos, ayaa maanta booqatay magaalada Muqdisho, si ay ugu kuur gasho xaaladda bini'aadanimo ee ka jirta magaalada oo ay ku soo qaxeen kumanaan qof oo ay saameysay abaarta iyo macluusha ka jirta gobollo ka tirsan Soomaaliya.

Valerie Amos ayaa waxa ay soo booqatay Isbitaalka Banaadir, halkaasi oo ay ku aragtay qaar ka mid ah bukaanka halkaasi jiifay.

Waxa ay kulan la qaadatay Raiisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Weli Maxamed Cali.

Shirkooda kadib ayay saxaafadda la hadleen, waxaana Raiisul wasaaraha oo hadlay uu sheegay inay ka wada hadleen in dalka ay yimaadaan ciidamo gaar ah oo ah kuwo galbiya cuntada gargaarka si dadka loo gaarsiiyo.

Valerie Amos, oo iyana halkaasi ka hadashay waxa ay sheegtay inay aad uga xumaatay dhibaada dadka Soomaaliyeed heysata, isla markaana ay ku dadaali doonto sidii ay dadka tabaaleysan u gargaari lahaayeen.