Weerar ka dhacay Afghanistan

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Ugu yaraan 19 qof ayaa ku dhintay weerar koox mintid ah ku qaaday xero militeri oo ku taalla bartamaha Afghanistan.

Rag hubeysan oo ay ku jiraan kuwo bam isku qarxiyay ayaa weerar ku qaaday xafiisyada guddoomiyaha gobolka Parwan, iyaga oo khasab ku soo galay xerada.

Dagaal ayaa weli socda. Saraakiil sirdoonka iyo booliiska ka tirsan iyo la taliayayaal caalami ah ayaa shir ku lahaa goobta xilligii weerarku dhacay.

Guddoomiyaha gobolka ayaa sidoo kale ku sugnaa xerada.

Weriyayaashu waxa ay sheegayaan in weerarada noocan ah ay soo kordhayeen bilihii ugu danbeeyay.