Danta Britain ee Soomaaliya

Xoghayaha horumarinta caalamiga ee Britain Andrew Mitchell
Image caption Xoghayaha horumarinta caalamiga ee Britain Andrew Mitchell

Dalkan Britain, waxaa ku nool Soomaali lagu qiyaasay 240.000 oo qof.

Qaar badan oo ka mid ahi waxay intaa u safraan Soomaaliya, ka dibna ku soo laabtaan UK.

Arday badan ayaa fasaxa Iskuulka iyo Jaamacadaha socdaal ku taga Soomaaliya.

Ma jirto dowlad British ah oo aqbali karta in dhallinyaradaas laga dhaadhiciyo fikrado xag jir ah.

Dhinaca kale, Soomaaliya waxay leedahay xeeb dhererkeedu kor u dhaaftay 3000 km. Waa tan ugu dheer Afrika.

Badda Soomaaliya iyo agaheeda, waxaa intaa mara maraakiib sida shidaal iyo qaar kale oo shixnado ganacsi ah sida, kuwaas oo isaga goosha xeebaha bari ee qaaradda Amerika, Yurub, qaaradda Afrika, ee u socda ama ka yimid kahliijka, Shiinaha, Japan iyo Asia inteeda kale.

Burcad baddeed Soomaaliyeed ayaa baddaas sidey doonaan uga adeegta.

Maraakiibta iyo badmaaxiinta intey weeraraan ayay weydiistaan in malaayiin doollar loo siiyo madax furasho. Lacagtaas oo inta badan la bixiyo.

Dadka qaar ayaa qaba in lacagtaas qaarkeed uu dagaalka Soomaaliya sii huriyo.

Qaar kalena waxayba ku doodaan in burcad badeedda iyo al Shabaab uu xiriir ka dhexeeyo oo lacagta qaarkeed uu galo gacanta al Shabaab.

Khatarta xagga ammaanka ee Soomaaliya ka imaaneysa iyo xaaladda aadiminnimo ee ka taagan, ayaad mooddaa in ay soo jeeteen indhaha dowladda Britain.

Dowladda Britain waxay u muuqataa in ay isku dayayso in arrinta Soomaaliya mar xal loo wada helo.

Dhowrkii sano ee na dhaafay waxay laba laabtay tirada Diplomaasiyiinteeda u xil saaran arrimaha Soomaaliya.

Waxaa kale oo ay saddex laab kordhisay deeqda ay dalkaa siiso. Waxay ka dhigtay $130 milyan sannadkiiba, saddexda sano ee soo socda.