Muslimka oo Soomaaliya ugu deeqay $350,000,000

Shirka Ururka dalalka Islaamka Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Shirka Ururka dalalka Islaamka

Ururka dalalka Islaamka ayaa ku ballan qaaday in uu saddex-boqol-iyo-konton kun oo doollar ku bixiyo gargaarka dadka abaartu ku heshay Soomaaliya.

Konton iyo toddobada dal ee muslimka ah, oo ku kulmay Istanbul, waxay dhegeysteen Ra'iisal Wasaaraha Turkiga oo dhaleeceeyay maalqabeenka adduunka, isaga oo ku tilmaamay in taakulada dadka Soomaaliyeed loo arko in ay tahay tijaabada ilbaxnimada dadka aduunka.

Turkey, dowladdu waxay sheegtay in ay ururrisay boqol-iyo-konton milyan oo doollar, oo deeq ahaan loo bixiyay.

Ra'iisal Wasaare Erdogan, waxaa uu qorsheynayaa in uu booqdo Soomaaliya toddobaadkan, si uu u horkaco deeqda Turkiga.