Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya

Image caption Ciidanka AMISOM ee Muqdisho jooga

Mr Jean-Marc Andre waxaa uu BBC-da uga warramay xaaladda bani'aadanimo ee Soomaaliya ka taagan oo uu ku tilmaamay mid aad u ba'an. waxaa uu sheegay in Midowga Yurub ay bixiyeen 62 milyan oo Euro oo gargaar ah si wax looga qabto dhibaatada gaajada iyo macluusha la soo foodsaartay malaayiin dad ah oo ku nool Afrikada bari, gaar ahaan Soomaaliya.

Waxaa kaloo wax laga weydiiyay dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda ee dalka Soomaaliya iyadoo Xarakada al Shabaab ay dhowaan ku dhawaaqday inay ka baxayaan fariisimo ay ku lahaayeen caasimadda Muqdisho. waxaana uu arrintan kaga jawaabay.

Dhegayso waraysiga dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda. Yuusuf Garaad ayaa qaaday hase ahaatee waxaa turjumay Axmed Cabdi Nuur iyo Cabdiraxmaan Koronto.