Tripoli oo wali lagu dagaalamayo

Mucaaradka Libya oo ku dabaaldagaya Tripoli Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Mucaaradka Libya oo ku dabaaldagaya Tripoli

Maalin kadib markii mucaaradka Libyaay qabsadeen meelo badan Tripoli dagaal ayaa ka bilaabmay xarunta Colonel Qadafi ee Bab al- Cazizya.

Hotel ku yaala agaarka xarunta oo ay degan yihiin wariyayaal ajnabi ah ayaa laga maqlay qara wayn.

Wariyaha BBCda ee Hotelka ayaa sheegaya inuu maqlayo xabado iyo madaafiic. Waxaa la arkayaa gantaalo la isku tuurayo iyo qiiq baxaya magaalada.

Meelaha kale ayaa ciidamada mucaaradka ay u eg yihiin inay maamulaan magaalada. Afhayeenka Nato ayaa sheegtayin ciidamada Qadafi ay sadex gantaalo ku soo tuureen magaalada Misrata.

Wiilkii Qadafi Saif al Islam ayaa xalay ka hadlay Tripoli, kadib markii shalay uu dacwad oogaha maxkamada caalamiga loo sheegay inuu xiran yahay.

Saif al Islam ayaa BBCda kula hadlay hotel ay wariyayaasha degan yihiin in ciidamada dowladda ay la dagaalamayaan mucaaradka magaalada soo galay, wuxuu sheegay dhabar jabin ay ku sameeyeen ka dib markii ay u ogolaadeen inay magaalada soo galaan.

Saif al Islam wuxuu sheegay in Colonel Qadafi uu meel amaan ah joogo.