Mucaaradka ayaa ka dagaallamaya Tripoli

Mucaaradka ayaa galay Tripoli, caasimadda Libya Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Mucaaradka hubeysan ayaa galay Tripoli, caasimadda Libya

Mucaaradka Libya ee hubeysan ayaa galay caasimadda libya ee Tripoli, halkaas oo aad loogu soo dhoweeyay.

Sawirro TV-ga ayaa laga daawado dad badan oo ku dabbaal degaya fagaaraha loo yaqaan Barxadda Cagaaran, halkaas oo ay habeen walba ay ku bannaan bixi jireen taageerayaasha Qaddaafi.

Fagaarahaas magaciisii hore wuxuu ahaa, Fagaaraha Naftood Hurayaasha.

Dowladda Libya waxay sheegtay in 65 kun oo askari oo daacad u ah, Qaddaafi ay ku jiraan magaalada.

Ilaa hadda ma muuqato astaan weyn oo taa markhaati kacaysa.

Hoggaamiyaha mucaaradka, Mustafa Abdel Jalil, waxaa uu ka digay in weli ay jiraan qaar is daafacaya.