Xarunta Gaddafi ayaa loo dhacay

Ciidanka mucaaradka Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ciidanka mucaaradka

Mucaardka Libya ayaa qabsaday xarunta Colonel Gaddafi ee Tripoli.

Maalin dagaal culus ka socday magaalada ayay arrintani daba joogtay.

Si is muujin ah ayay mucaardku kurka uga jareen taallo Colen gadaafi u dhisnayd dhulka ayay ku haraati kula dheceen.

Qaar kale ayaa kor u fuulay gacanta dahabiga ah ee Gaddaafi ee taallada oo majuujineysay dayaarad ku dagaalka ah oo Mareykanku leeyahay.

Waa goob uu Mareykanku cirka ka soo duqeeyay siddeetamaadkii, ka dibna uu Gadaffi ka jeediyay khudbado uu Mareykanka ku maagayo.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Tripoli

Gaddafi iyo qoyksiisu meel ay cirib dhigeen lama yaqaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in shacab ku yaacay xarunta.

Telefishin uu mucaaradka hubeysani leeyahay ayaa ugu baaqay shacabku in ay xaruntaa ka joogaan.

Waxay u muuqataa in mucaaradku ay gacanta ku hayaan inta badan magaalada inteeda kale, inkata oo ay jiraan meelo la sheegay in ciidammo raacsan Gadaffi ay difaac uga jiraan