356 milyan oo dollar oo la siinayo Geeska Afrika

In ka badan saddex boqol iyo konton milyan oo dollar ayaa lagu balanqaaday shirka hogaamiyayaasha Afrika ee ka socda Adddis Ababa. Lacagta ayaa lagu caawin doonaa dadka ay samaysay abaarta.

Saddex boqol oo milyan oo dollar waxaa bixiyay Bangiga Horumarinta Afrika.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption In kabadan soddon kun oo carruur Soomaali ayaa dhintaybilihii la soo dhaafay

Hogaamiyayaasha Afrika ayaa Addis Ababa ku qabtay maanta shir dib loo dhigay dhowr jeer si loogu aruuriyo lacag laba iyo tobanka milyan ee qof ee ay saamaysay abaarta Geeska Afrika.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in loo baahan yahay laba iyo bar Bilyan oo Dollar, si wax loogu qabto Soomaaliya iyo dalalka kale ee ay abaarta ka jirto.

Maraykanka, Britain, Shiinaha,Japan, Brazil iyo Turkey ayaa lacag balanqaada. Waxaa kaloo lacag balanqaaday waddamada Islaamka ee ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka.

Laakiin dowlado badan oo Afrikaan ah ayaa lagu dhaleeceeyay, inay ku guuldaraysteen inay gargaar siyaan dalalka Afrikaanka ee ay baarta saamaysay.