Mucaaradka oo codsanaya in Qadaafi la soo qabto

Lahaanshaha sawirka Reuters

Afar maalmood kadib markii mucaaradka Libya ay soo galeen magaalada caasimadda ah ee Tripoli, ayaa inta badan dagaalku waxa uu u muuqdaa inuu dhamaaday.

Mucaaradka ayaa weli isku dayaya inay qabsadaan dhawr magaalo, oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada u daacadda ah Colonel Qadaafi.

Mucaaradka ayaa sheegaya inay hub culus is weydaarsanayaan kun ciidamada Qadaafi ah jidka gala magaalada Sirta oo ah magaalada uu ka soo jeedo Qadaafi. Xalay dagaal xooggan kama jirin magaalada Tripoli, inta badan rasaasta la maqlayay waxay ahayd dabaaldeg ay ridayeen mucaaradka.