Lacag la siinayo mucaaradka Libya

Raiisalwasaaraha Talyaaniga Burlesconi iyo hogaamiyaha mucaaradka Maxamuud Jibril Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Raiisal wasaaraha Talyaaniga Burlesconi iyo hogaamiyaha mucaaradka Libya Maxamuud Jibril

Talyaaniga ayaa noqday wadanka ugu danbeeya ee xayraada ka qaadaya lacagta Libya si loo siiyo mucaardka.

Kadib markii ay shir kula yeesheen magaalada Milan hogaamiyaha mucaaradka Libya Maxamoud Jibril, Raiisalwasaaraha Talyaaniga Silvio Burlesconi ayaa sheegay in in kabadan shan boqol oo milyan oo dollar in xayiraada laga qaadayo.

Hogaamiyaha mucaaradka Libya Maxamoud jibril ayaa sheegay in Golaha Qaranka ee kumeelgaarka Libya uu u baahan yahay lacag deg deg ah si uu bulshada ugu qabto adeeg iyo si uu u bixiyo mishaar.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Isbitaal laga sameeyay jidka

Jamaacada Carabta ayaa sidoo kale maanta aqoonsatay mucaaradka Libya inay yihiin dowlada sharciga ah ee Libya.

Koonfur Afrika ayaa hakisay qorshe uu maraykanka ku doonayo in la siiyo mucaaradka hal bilyan iyo bar oo dollar oo ah lacag laga xayiray dowladda qadafi.

Gudiga maamula lacagta laga xayiray dowladda Qadafi ayaa Koonfur Afrika oo kaliya ay diidan tahay in lacagta la siiyo mucaaradka.

Maraykanka ayaa sheegaya in lacagta degdeg loogu baahan yahay si loogu isticmaalo gargaar.

Laakiin safiirka Koonfur Afrika ee Qaramada M idoobay ayaa sheegay in hadii lacagta la siiyo mucaaradkaiy micnaheedu yahay in la aqoonsaday, iyadoo Midowga Afrika iyo Koonfur Afrika aysan aqoonsan wali mucaaradka.