Burcad lagu xukumay xabsi daa'in

Burcad Soomaali oo maxkamad la saarayo Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Burcad Soomaali oo maxkamad la saarayo

Maxkamad ku taalla Maraykanka ayaa laba nin oo Soomaali ah xabsi noloshooda inta ka hartay kadib markii lagu helay danbi inay ka afduubeen doon badwaynta Hindiya, halkaasoo ay ku dhinteen afar qof oo Maraykan ah.

Cali Cabdi Maxamed iyo Burhaan cabdiraxmaan Yusuf ayaa ka mid ah kow iyo toban nin oo qirtay danbiyadooda burcad baddeeda.

Sadex kale oo nin ayaa dacwad ay gooni ugu socotaa iyagoo lagu eedeynayo dil, hadii lagu helo danbiga iyagana waxaa la xukumayaa xabsi noloshooda inta ka hartay.