Go'aan Maxkamadda sare ee Australia

Australia Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Xarun ay ku jiraan dad megangelyo doon ah

Maxkamadda sare ee dalka Australia ayaa xukuntay in qorshaha dowladda ee dadka megangelyo doonka ah loogu dirayo dalka Malaysia uu yahay sharci darro.

Waa dharbaaxo weyn oo ku dhacday dowaldda ra'iisal wasaare Gillard, oo dowladda Malaysia kala xaajootay heshiis ah isweydaarsi 800 oo qof oo megangelyo doon ah in codsiyadooda looga soo shaqeeyo xarumaha dadka lagu hayo ee dalka Malaysia.

Go'aanka maxkamadda sare waxaa ammaanay dadka u dooda qaxootiga oo si weyn u soo dhoweeyay tallaabadaas.