Sirte oo la hareereeyay

Dadka reer Libya oo u dabaaldagaya xornimadooda Lahaanshaha sawirka ap
Image caption Dadka reer Libya oo u dabaaldagaya xornimadooda

Ciidanka mucaaradka Libya ayaa ku sii siqaya in ay hareereeyaan magaalada Sirte, oo weli taageersan Colonel Gaddafi.

Weriye BBC oo magaalada ag jooga, ayaa sheegaya in mucaaradku ay hadda sameeyeen furun saddexaad oo dhinaca koofurta ah.

Weriyuhu wuxuu sheegay in rasaas goos goos ah laga soo ridayo Sirte gudaheeda.

Waxay u muuqataa in lala beegsanayo kooxaha sahanka ah.

Golaha Qaran ee ku meel gaarka ah ee Libya, ilaa Sabtida ayuu u qabtay ciidanka taageersan Gaddafi in ay isku dhiibaan.

Colonel Gaddafi af hayeenkiisa ayaa sheegay in aan amarkaas loo hoggaansami doonin.