Dagaalka Libya

Image caption Shirka xaaladda Libya ee ka dhacay Paris

Golaha qaran ee KMG ah ee Libya ayaa sheega in inta badan dalka uu nabad yahay gacantana ay ku hayaan, oo ay wakhti uun tahay goorta ay qaban doonaan ama dilli doonaan Colonel Gaddaafi.

Wakiilka Golaha ee dalka Britian, Guma Al-Gamaty, ayaa BBC u sheegay inay qorshe cad u hayaan dimuqraadiyad ka dhacda Libya, sila markaana Gadaafi aan loo oggolaan doonin inuu wax beeddelo.

Mar sii horeysay ayaa hogaamiyayaasha caalamka qaarkood oo ku shiray Libya ay ku heshiiyeen talaabooyin dhawr ah oo lagu caawinayo dib u dhiska Libya.

Taa beddelkeeda ayaa golaha qaranka ee KMG ah waxay ka shaqeyn doonaan dib u heshiisiin iyo deggenaansho ka dhacda Libya.