Gaddafi ayaa telefoon u diray TV

Gaddafi
Image caption Gaddafi

Hoggaamiyihii Libya, Colonel Gaddafi, ayaa dadka Libya kala hadlay saxaafadda isaga oo sheegaya in uu ku sugan yahay dalka Libya.

Wuxuu telefoon kula hadlay telefishin ku yaalla Syria.

Wararka sheegaya in uu dalka ka cararay oo uu galay Niger ayuu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo been abuur ah oo qeyb ka ah dagaal cilmu nafsi ah.

Wuxuu ku tilmaamay in in dhallinyaro ku sugan caasimadda iyo meelo kaleba ay diyaar u yihiin in ay weerar qaadaan ayna ka guuleysan doonaan NATO iyo Golaha Qaran ee KMG ah.