Obama oo balan qaaday shaqooyin

Lahaanshaha sawirka bbc
Image caption Madaxweyne Barack Obama

Madaxweyne Obama ayaa waxa ku dhawaaqay mashruuc shaqo abuuris ah oo u dhigma lacag gaareysa 450 bilyan dollars.

Isagoo la hadlayay labada aqal ee waddanka Mareykanka ayaa waxa uu sheegay inuu doonayo inuu wax ka qabto dhibaatada dhaqaale xume ee ka jirta waddanka Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanku, waxa uu balanqaaday shaqooyin dheeraad ah, shaqaalaha dhismooyinka, macalimiinta, rug cadaagga iyo dadka shaqo la'aanta ahaa mudada dheer, oo laga yareyn doono canshuurta.