180 qof ka badan ayaa ku dhintay Tanzania

Zanzibar ferry Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qaar ka mid ah dadka dhintay

Dad ka badan 180 qof ayaa ku dhintay mar uu qallibmay markab laga lahaa dalka Tanzania oo ay saarnaayeen rakaab xad-dhaaf ah oo isaga gooshayay jasiiradaha Zanzibar iyo Pemba.

Qaar badan oo dadkaas ka mid ah waxay ahaayeen carruur. Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in dad ka badan 600 oo qof la soo badbaadiyay.

Markabku waxaa uu degay waqti habeen ah taas oo caqabad ku noqotay hawlihii gurmadka ee loo fidin lahaa. Qof gurmadka ka qayb galay oo dayuurad helicopter ah ku dulmaray amrkabka waxaa uu sheegay in dadka badbaaday ay ku dhegganaayeen firaashyo, firiijyo iyo wax kasta oo biyaha dulsabbayn karaya.

Kumannaan qof oo ehelada dadkaas ah ayaa si saxariir ah u sugaya warkooda. Dowladda Tanzania waxay ku dhawaaqday saddex beri oo loo murugoonayo dadka shilkaas ku dhintay.