Adduunka waa inuu tallaabo qaado

Madaxweyne Shariif Sh Axmed iyo gudoomiyaha midowga Afrika Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweyne Shariif Sh Axmed iyo gudoomiyaha midowga Afrika Jean Ping

Midowga Afrika ayaa sheegay in adduunka uu qaado tallaabo hadda si isbadal wax ku ool ah loogu sameeyo dagaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha nabadda iyo Ammaanka Ramtane Lamamra ayaa wariyayaasha u sheegay in caalamka uu ka faa'daysto ka bixidii Alshabaab ee Muqdisho, iyo inay taageeraan dowladda iyagoo soo rogaya Soomaaliya xayiraad dhinaca cirka iyo badda.

Al Shabaab ayaa ka baxday saldhigyadii ay ku lahayd Muqdisho, laakiin waxay ka digtay inay sii wadayso dagaalka. Alshabaab ayaa waxaa yaraatay awoodoodakala qaybsanaan dhexdooda awgeed.