Britain oo ka digtay abaarta Geeska Afrika

Andrew Mitchell ayaa  booqday Soomaaliya bishii hore
Image caption Andrew Mitchell ayaa booqday Soomaaliya bishii hore

Xoghayaha horumarinta caalamiga ee Britain Andrew Mitchell ayaa ku guubaabiyay in hogaamiyayaasha caalamka inay ku daydaan Britain oo ay siiyaan gargaar dheeraad ah abaarta geeska Afrika.

Andrew Mitchell ayaa u sheegay Baarlamaanka in afar boqol oo kun oo qof, oo u badan carruur ay baahi u dhimanayaan hadii aan dowladaha kale aysan lacag dheeraad ah dhiibin.

Wuxuu sheegay in dowladda Britain ay bixisay in kabadan saddex boqol oo kun oo dollar, taasoo kabadan ayuu dhahay lacagta ay dhiiben Faransiiska, Jarmalka, Ruushka, Switzerland oo la isku daray inta ay bixiyeen.