Fatahaadaha Pakistaan

Ugu yaraan shan milyan oo qof ayay saamaysay fatahaadaha Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ugu yaraan shan milyan oo qof ayay saamaysay fatahaadah

Masuuliyiinta Pakistaan ayaa sheegay in in kabadan laba milyan oo qof ay la jiran yihiin cuduro ay keeneen fatahaado, kadib markii ay roobab badan ka socdeen maalmo gobolka Sindh.

In kabadan toddobo kun oo qof ayaa laga dawaynayaa kadib markii uu qaniinay mas.

Hayadaha gargaarka ayaa ka digayay in ay kordhayaan cudurada Maleeriyada iyo Shubanka.

Ilaa lix milyan oo qof ayay saamaysay fatahaadaha, oo ay Qaramada Midoobay sheegtay in meelaha qaar ay biyaha fadhin doonaan lix bilood