Haweeneydii ugu horreysay Ra'iisal Wasaare Denmark

Denmark new PM Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Ra'iisal Wasaaraha cusub ee Denmark

Haweeneydii ugu horreysay ee dalka Denmark Ra'iisal wasaare ka noqota, Helle Thorning-Schmidt, ayaa ku guulaysatay doorasho guud oo aad la isugu dhowaa codadka, iyadoo xisbiga bidixda-dhexe uu awoodda la wareegayo kaddib markii uu muddo toban sano ah mucaarad ahaa.

Iyadoo taageerayaasha xisbiga kula hadlaysay magaalada Copenhagen, waxay sheegtay in social democrats ay ku guulaysteen doorasho dagaal adag loo soo galay.

Siyaasadda ay doorashada ku gashay waxaa ka mid ah inay wax ka beddesho sharciyo dalka Denmark oo dhibaato ku ah dadka soo galowga ah inay qaataan dhalashada dalkaas.